Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Al Shabaab lagu dilay Shabeellaha Dhexe

In ka badan ilaa 7  qof ayaa lagu dilay weerar xalay ay maleeshiyo hubeysan ku qaadeen saldhig malayshiyaadka Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Aden Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida ay warfidiyeenka u xaqiijiyeen ilo degaanka ah, maleeshiyada deegaanka waxaa u suurto gashay in ay qabsadaan saldhigga Al-Shabaab.

Maleeshiyada ayaa sheegay in 6 ka tirsan al-Shabaab ay dagaalkaasi ku dileen, halka dhinacooda uu hal qof ka dhintay.

Maleeshiyo hubeysan oo taageerro ka helaya qabiillada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa kordhiyay weerarro iyo dagaallo ay la galeen kooxda al-Shabaab.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles