Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasaaradda Amniga oo sheegtay in la soo gaba gabeeyay Weerarkii xalay ee Xeebta Liido”Sawirro”

labaatan  qofood ayaa ku geeriyooday oo ay ka mid ahaayeen Kooxihii weerarka soo qaaday halka tira kala ay dhaawacyo soo gaareen kadib fiiddnimadii xalay Weerar ay Argagixisadu ku qaadeen Maqaaxid ku taala Xeebta Liido halkaas oo ay ku sugnaayeen Boqolaal shacabka oo goobta ku qaxweynayay,

Waxaana markiiba goobta gaaray Ciidamda Amniga kuwaas oo ka hortagay qatar intaas ka badan oo ay damacsanaayeen Argagixisada, iyagoo soo baddbaadiyay boqolaal shacab ah oo ku go’doomay goobta la weeraray.

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaal mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay warbaahinta Dowladda aya ku dhawaaqay arroornimadii hore ee Saakay in la soo gaba gabeeyay saacada ka hor hawlgalkii ay ciidanka Amniga ka wadeen Maqaaxiyo ku yaalay Xeebta Liido.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee NISA gaar qaybta Gaashaan ayaa markiiba goobta ka hawlgalay si umadda looga baddbaadiyo Argagixisada halkaas weerarka ku soo qaaday, kuwaas oo ugu dambeyn dilay 4 ka tirsan maleeshioyaadkii weerarka soo qaaday halka mid ka midna gacanta lagu dhigay.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-01-22-07h15m55s133
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-01-22-07h16m10s20
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-01-22-07h16m27s198
  Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-01-22-07h16m49s153
    Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-01-22-07h17m23s238
  Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-01-22-07h17m47s223
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-01-22-07h17m58s79

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles