Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Abwaan Cali Sugulle oo Hargeysa lagu aasay

$
0
0

Allaha u naxariistee, abwaan Cali Sugulle Cigaal oo can ku ahaa (Dun-carbeed) oo labo maalin ka hor ku geeriyooday magaalada Shaariqa ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka waqooyi galbeed.

Diyaaradii siday meydka abwaanka ayaa goor dhoweyd soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, iyadoo aaskiisa ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha maamulka Soomaaliland, siyaasiyiin, abwaano iyo qeybaha bulshada.

Abwaanka, ayaa lagu aasay qubuuraha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles