Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Kismaayo

$
0
0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Kismaayo, isaga oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenkiisa labaad Mahad Cabdalla Cawad.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo Wafdigaan kaga sii horreeyay Kismaayo iyo Madaxweynaha Jubba, ayaa kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka jubba ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay soo Dhaweeyaan Guddoomiyaha iyo Wafdigiisa, oo ka qeybgalaya Shirka Wadatashiga Qaran.

Shirka ayaa la filayaa in uu furo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo hadda ku sugan Magaalada jowhar, iyada oo ay suuragal tahay in galabta uu gaaro Magaalada Kismaayo.

Xubno gaaraya 25 Xildhibaan ayaa Baarlamaanka Soomaaliya u matalaya Shirarka Wadatashiga Qaran,

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa Aad loo adkeeyay, si falal amni darro aysan uga dhicin magaalada mudada uu socdo Shirkaas.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles