Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Suxufiyiin deeq lacageed gaarsiiyay carruurtii ay ka baxday Hindiyo Xaaji

$
0
0

Deeqdaan lacageed oo ay iska soo Uruurriyeen Wariyayaasha ku nool Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la gaar siiyay Carruurtii ay ka tegtay Allaha U naxariistee wariye Hindiyo Xaaji Maxamed oo Sannadkii tagey ee 2015 Kooxda Al-shabaab ay ku dileen Magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah Ehelada wariye Hindiyo Xaaji Maxamed ayaa ka mahadceliayay Deeqdan lacageed ee la soo gaarsiiyay Carruurtii ay Hooyo iyo Aaba la,aanta Dhigeen Kooxda Ugus ee Arxan laawayaasha ah.

Wariye Cilmi Maxamed Waare oo ka mid ah wariyayaasha Deeqda lacageed soo gaarsiiyay   Carruurtaasi ayaa sheegay in deeqdaan ay ugu tala galeen Carruurta Agoonta iyo Rajada Isugu jira markastana ay garab taagnaan doonaan maadaama hooyadood iyo aabahood ay ahaayeen Wariyayaal u geeriyooday u shaqaynta qarankooda.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles