Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Taliyaha Xoogga “Sanadkan 2016 waa in Soomaaliya oo dhan laga waayo meel ay Argagixisadu ku dhuuntan” SAWIRRO

$
0
0

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, waxana ay isla soo qaadeen sidii wadajir loogu ciribtiri lahaa haraadiga kooxaha Argagixisada ah sanadkan 2016 . Iyadoo ay labada dhinac isla qireen sida ay lagama maarmaan u tahay in la bilaabo howlgallo cusub.

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in sanadkan  2016-ka uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka   sanadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada  lagu baacsanayo kooxaha nabadiidka ah.

“Kulankan muhiimka ah ee aynu maanta halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in Sanadkan 2016 Soomaaliya oo dhan laga waayo meel ay Argagixiso ka taliyaan”ayuu yiri Taliyaha Xoogga.

Kulanka ayaa waxaa Taliyaha Ciidamadda ku weheliyey Abbanduulaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale. Waxana uu kulankani qeyb ka yahay kulamo is daba joog ah oo maalmihii u danbeeyey u dhexeeyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamadda AMISOM ee Soomaaliya jooga.

Photos-2 Photos-3 Photos-4 Photos-5 Photos-6 Photos-7 Photos-8


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles