Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliso Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta si wada jir ah u daah furtay xarunta Qaranka iskudabaridka Arrimaha gargaarka, kaasi oo ujeedkiisuyahay nidaamka lagu hagaajinayo xiriirka iyo isu-duwida hay’adaha gargaarka iyo dowladda. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirada Warfaafinta, Caafimaadka, Xildhibaanno, safiiro iyo mas’uuliyiin ka socday hay’adaha samafalka. Qaar ka mid ah Wakiilada Hay’adaha Samafalka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta xafiiskan cusub, si loo maareeyo deeqaha loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed. Safiirada Turkiga iyo Masar ee Soomaaliya u jooga ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay xafiiska cusub, waxaana ay balan qaadeen inay dhankooda gacan ka geysan doonaan sidii deeqaha loo marsiin lahaa xafiiskaasi. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed sheegtay in xafiiskan uu yahay mid lagu maareynayo deeqaha loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed, si aysan u dhicin is bar baryaac Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Fawziya Abiikar Nuur ayaa tilmaamtay in ka Wasaarad ahaan ay isgarab taagi doonaan xafiiskan cusub, ayna diyaar u yihiin inay howlwadeenno caafimaad u diraan meelaha dadka ku soo barkacay si loogu [...]
↧