Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Shir Looga Hadlayey Tayeeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

$
0
0
Muqdisho, 19, April 2017——Shir uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaybtiisa Tayeeynta Hay’adaha Dowladda ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho, waxaana shirka ka soo qayb galay dhamaan wasiirada iyo wakiilo ka kala socday Hay’adaha ka fa’iidaysanaya Mashruuca Tayeeynta Hay’adaha dowlada (Capacity Injection Program CIP) oo uu maalgaliyo Bangiga Aduunka. Ugu horayntii Isku duwaha Mashruuca Maxmed Farax ayaa ka warbixiyey heerarka kala duwan ee uu soo maray iyo sida looga fa’iisaydatay mudadii uu jiray iyo mustaqbalka sida looga fa’iidaysan karo. “Waxaa kulankaan u jeedkiisu yahay inaan la wadaagno Hay’adaha ka fa’idaysta mashruuca warbixina kasiino halka uu ka soo bilowday, hadafka laga leeyhaya iyo doorka ay ku leeyihiin dhinacyada ka soo qayb galay. Waxyaalaha Mashruucaan qabanayo waxaa ka mid ah tayeenta shaqaalaha iyo awood dhisida hay’daha dowladda ee lafdhabarka u ah shaqoyinka maalinlaha ah, xoojinta iyo tageerida dhinacyada asaasiga u ah ka shaqeynsiitna nidaamka dowlaiga si loogu istaajiyo qaab wax qabad leh oo la wada dhan yahay, lehna isla xisaabtan qeybaha dowladda ee heer federal” ayuu yiri Maxamed Faarah. Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Cabdullahi Xaamud ayaa la hadlay saxaafada shirka kadib isagooona sheegy in madaama ay dhalatay xukuumad cusub ay lagama maarmaan tahay in xog laga siiyo wasiiradda halka [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles