Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Warfaafinta JFS oo kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda

$
0
0
Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa maanta kulan la xiriiray habsami u socodsiinta  howlaha warfaafinta la  qaatay shaqaalaha iyo madaxda waaxyaha ee Wasaaradda. Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa  sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta Madaxdii Wasaaradda iyo shaqaalaha ay yeeshaan kulan wadatashi ah si loo dar-dargaliyo shaqada Wasaaradda ay u heyso Umadda Soomaalieed. Uganbeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa shaqaalaha Wasaaradda  ugu baaqay  in shaqadooda  ay dar-dargaliyaan ,isagoona balanqaaday in xuquuqdooda ay joogteen doonaan. C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala oo ah  Agaasimaha Guud ee kmg Wasaaradda Warfaafinta aya ku ammaanay shaqaalaha wasaaadda howlkarnimada iyo daacadda ay u yihiin shaqadooda,isagoo xusay in saacado badan ku jiraan howlaha ay u hayaan umaada,wuxuuna ugu baaqay n ay halkaasi ka sii wqadaan adeegyada lama huraanka ah ee ay ka sugayaan dadka iyo dalka.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles