Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweyne Farmaajo oo furay shir u dhexeeya dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada

$
0
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa furey shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka. Shirka waxaa goob joog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana inta uu socda looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexe dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada, xoojinta amniga. Sidoo kale waxyaabaha kulanka looga hadlayo waxaa ka mid ah shir dhawaan la filayo in uu ka dhaco dalka Ingiriiska, kaasi oo ay dowladda qorsheyneyso inay la tegto ajende mid ah oo ka turjumaya xaaladda dalka. shirka ayaa la filayaa marka uu dhamaado in laga soo saaro warmurtiyeed qeexaya waxyaabihii looga hadlay.    

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles