Muqdisho, 13 Abriil 2017—-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha iyo dar-dargelinta howlaha dowladda. Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golaha looga fadhiyo dardargelinta Amniga, Nabadeynta iyo Xasilinta dalka si muwaadin walba uu ugu noolaado si nabad ah si uu uga qeybqaato dardargelinta horumarka dalka. Wasiirada amniga ayaa warbixinno laga dhageystay ka dibna ay soo bandhigeen Qorshaha Amniga Qaranka oo dhowaan ka bilaaban doona Muqdisho, iyadoo lala kaashanayo Gobolka Banaadir iyo maamulada degmooyinka caasimada iyadoo laga qeybgalinayo shacabka, lana dhaqangelinayo barnaamijka deriseynta. Wasiirka Garsoorka ayaa ka warbixiyey qorshahiisa ku aadan dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka, golahuna isla gartay in sharciga dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka la dhaqangeliyo isla markaasna ay wasaaradu sida ugu dhaqsiyaha badan horkeento golaha nidaamka guddigan. Sidoo kale waxaa diirada la saaray sida loogu baahanyahay in Guddiga Musuqmaasuqa loo dhiso oo la isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo lana dedejiyo dhameystirka qorshahan. Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisay horumarka laga sameeyey isku-dubaridka iyo xiriirinta howlah gurmadka abaaraha isla markaana sheegtay in 6 milyan oo Soomaali ah [...]
↧