Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo ka socota Garoonka Aadan Cadde.

$
0
0
Qabanqaabada xaflado loogu diyaargaroobayo soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa ka socota Garoonka Diyaaradaha  Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah Xildhibaano ka tirsan labada Gole Guddoomiye kuxigeenada Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasoo diyaar u ah inay soo dhoweeyaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Taabid Cabdi Macalin. Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Macalin ayaa waqti dhow  ku soo fool leh Muqdisho,isagoo ka soo ambabaxaya magaalada Nairobi oo uu gaaray laba cisho kahor. Guddoomiyaha cusub ayaa lagu wadaa in todobaadka  soo socoda uu xilka kala wareego Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, kaasoo xilka laga qaaday.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles