Dadweynaha ku nool Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa si weyn usoo dhaweeyey dhismaha iyo dayactirka lagu sameeyey Wadadda Via Moscow oo dhax marto labadaas degmo. Dhalinyaradda , Haweenka , Waxgarada iyo darawaladda wadadaas isticmaala ayaa si wayn usoo dhaweeyey dhisida wadadaas oo ay ku sheegeen in ay aad muhiim u ahayd isla markaana ay ugu mahadceliyeen Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo isaga ku guuleystay dib u dayactirka wadadaas. Dhanka kale kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeerayey wadadda la dhisay iyo dareenka dadka shacabka ah ayaa raacay mid kamid ah gawaarida dadweynaha , waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu mudo kadib raaco gawaarida dadweynaha.
↧
Dadweynaha ku nool Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi oo soo dhaweeyey dhismaha Wadadda Via Moscow.
↧