Munaasabadan oo loogu dabaal degayay xuska 57 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka Somaaliyeed oo ku beegan 12-ka April, laguna qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Difaaca, Wasiiro, Xildhibaanno, Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo xafladda lagu casuumay. Ciidammada Xoogga qeybahooda kala duwan ayaa waxa ay goobta ku soo bandhigeen gaaddo ka cayar, iyagoo watay gaadiidka gadaalka, waxaana dusha sare ka eeganayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha guud ee ciidammada Qalabka sida, oo ay wehliyaan Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Gaashaandhigg iyo Taliyaha Ciidammada Xoogga oo dhammantood ku labisan Tuutaha Xoogga dalka . Suugaan iyo Riwaayado ka turjumaya xuska maalinta ciidanka xoogga dalka waxaa goobta ku so bandhigay Fannaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka Xoogga Dalka. Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa ka sheekeeyay taariikhda ciidanka xoogga dalka iyo ujeedooyinka laga lahaa aas aaskooda. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa hambalyo kadib sheegay in ciidanka xoogga dalka looga baahanyahay inay Ummadda ka dulqaadaan dhibta ay ku hayaan argagixisada Al-Shabaab. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee ciidammada Qalabka sida Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay [...]
↧