Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciidamada booliska Galmudug oo soo badbaadiyay 8 badmaax oo ay heysteen burcad badeed

$
0
0
Maamulka Degmada Hobyo oo kaashanaya qeybaha bulshada iyo ciidamada booliska ee degmada ayaa ku guuleystay inay soo furtaan sideed badbaax oo ay afduub ahaan u heysteen kooxo burcad badeed ah. Ciidamada booliska ayaa howlgallo waxa ay ka fuliyeen deegaanka Ceel Huur oo 50 Km kaga beegan dhinaca koonfureed degmada Hobyo. Taliyaha ciidanka booliska degmada Hobyo Bashir Cilmi ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta Qaranka inay soo badbaadiyeen 8 ruux oo badmaaxiyiin ah, waxaana uu intaa ku daray inay joogteynayaan howlgallada lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeedda. Taliyaha ayaa sheegay in kooxihii afduubka u heystay badmaaxiyiinta ay goobta isaga carareen.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles