Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiir ku-xigeenka shaqada oo kulan la qaatay guddi loo xilsaaray dabagalka shaqaalaha “SAWIRRO”

$
0
0
Kulanka uu la qaatay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada  Xukuumadda Soomaaliya guddiga loo xilsaaray daba galka dhaqan gelinta wareegtadii Ra’iisul wasaaraha ee ahayd in shaqaalaha dowladda ay shaqada yimaadaan sideeda subaxnimo kana baxaan tobanka galabnimo ayaa ka qabsoomay xafiiska Wasiir ku-xigeenka, waxaana looga hadlay dhowr arrimood oo la xiriira shaqaalaha dowladda iyo in la hubiyo waqtiga shaqo galka. Guddigaan ayaa shaqadooda daba galka iyo hubinta waqtiga shaqaaluhu soo galayaan shaqada waxa uu ka bilaabay Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, waxaana uu guddigaasi mid mid u tegi doonaa Wasaaradaha. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Mudane Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa u sheegay guddigga in uu Xukuumadda u gudbin doono daruufaha badan ee shaqaalaha haysta. “Waxaan ka wada hadalnay oo aan xoogga saarnay in maadaama shaqaaluhu shaqo galayaan 8:00 subaxnimo kana baxayaan shaqada 4:30 galabnimo in Miis qado loo sameeyo shaqaalaha sidoo kale waxaan isla soo qaadnay in la shaqo geliyo shaqaalaha oo 80% aan lagu shaqeyn in la shaqo galiyo” ayuu yiri mid ka mid ah guddigan howshan loo xilsaaray. Gudigga ayaa sidoo kale waxaa uu kormeer ku tegay Wasaaradaha Howlaha Guud, Boostada iyo Hay’adda badaha Soomaaliyeed, waxaana ay hubinayeeen sida loo dhaqan geliyay wareegtada Ra’iisul [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles