Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Deeq la gaarsiiyay qoysas ku nool Gobolka Bakool

$
0
0
Deeqdaan ay iska soo uruuriyeen Culimada kusugan Magaalada Nairoobi oo uu ugu horeeyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxa lagaarsiiyay dadka Abaaraha  Saameeyeen  ee ku nool magaalada Xuddur, gaar ahaa degaannada Moora-gaabay, Weerow Tuulada Sarmaan iyo Bukaanadii ku sugnaa Xaruunta lagu baxnaaneeyo dadka qaba Cudurka Shuban Biyoodka, oo maalmahaan dambe dadka uu soo ridanayo ay aad u kordheyso. Deeqdaan waxay isugu jirtaa raashiin qalalan oo la gaarsiiyay dadka ku nool Tuulooyinka  iyo lacago cadaan ah oo loo qeybiyay bukaanada haatan jiifa Isbitaalka. Maxamed Kheyr Maxamed Nuur waa Maamulaha Shirkada Hormuud Telecom ee Degmada Xuddur  oo Culimada u soo wakiilatay in deeqdaan uu gaarsiiyo degaannada ugu daran ee saamaynta abaarta aad looga dareemayo ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in kaalmadan ay ka timid culimo Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Ugu dambaytii Maxamedkheyr Maxamednuur ayaa baaq udiray cidkasta oo samafal ah in ay Ummaddaan dhibaataysan u soo gargaaraan. Sikastaba ha ahaatee dhibaatada ugu daran oo degaannada Gobolka Bakool ayaa ah biyo la’aan daran oo dhamaan degaannada Gobolka ay kawada siman yihiin.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles