Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dawo La’aan Ka jirta Cusbitaalka Degmada Xudur

$
0
0
Agaasimaha Cusbitaalka guud ee degmada Xudur  ee gobolka Bakool Cabdixakiin Macallin Aadan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Cusbitaalka ay ka jiraan dawo la,aan islamarkaana ay u gudbiyeen xaaladda saakay Cusbitaalka maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya. “Saakay waxaa Cusbitaalka magaalada xudur ka jira xaalad dawo la,aan ah waxaa jiifa Cusbitaalka dad gaaraya 80 ruux oo u baahan adeeg caafimaad waxaan qeylo dhaan u dirsannay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya balse illa hadda wax mahayno, waxaa shaqeeya qeybaha kala duwan ee cusbitaalka degmada, waxaa kaloo soo kordhinnay qeyb lagu daweeyo dadka uu ku dhaco cudurka shuban biyoodka kuwaa oo laga keeno baadiyaha degmada” ayuu yiri Agaasimaha Cusbitaalka Degmada Xudur  Cabdixakiin Macallin. Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Degmada Xudur ayaa sheegay in ay dib ugu soo laabteen Muqdisho shan dhaqtar oo haray ugu soo dirtay Wasaaradda Caafimaadka si ay ula shaqeeyaan dhaqaatiirta Cusbitaalka degmada Xudur.    

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles