Munaasabad lagu xusayay maalinta cayaaraha, horumarka iyo nabadda addduunka ayaa waxa ay ka dhacday garoonka kubadda cagta Banaadir ee magaalada Muqdisho. Munaasabaddan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, waxaana goobjoog ka ahaa marti-sharaf ay ka mid ahaayeen: Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha, guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir, madaxda Guddiga Olombikada Soomaaliya, madaxda xiriirrada cayaaraha dalka, qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir, kooxda muusikada ee ciidamada Booliska iyo Asluubta , fannaaniin iyo ka-qeybgalayaal kale oo badan. In ka badan 2,000 oo ciyaaryahan, oo ka kala socday xiriirada cayaaraha dalka, degmooyinka, Jaamacadaha, iyo Iskuulada ayaa waxa socod ku mareen garoonka, iyaga oo jaanta la qaadaya muusig ay tumayaan kooxda Baambayda. Ibrahim Xuseen Roombe, oo Guddiga Olombikada u qaabilsanaa qabanqaabada munaasabadda, ayaa hadal uu jeediyay waxa uu ku sheegay in qabanqaabada munaasabaddan ay aad uga heersarreyso tii sanadki hore. Waxaana ii ujeedka munaasabadda ku sheegay isbarsahda iyo isdhexgalka dhallinyarada cayaaraha ku jira. Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo goobta ka hadlay ayaa caddeeyay in Intii uu isagu xilka gobalka hayay uu maamulkiisu sare u qaaday cayaaraha gobolka, isla markaana la doonayo in sare looga sii qaado halka uu hadda joogo. Ugu dambayn, Wasiirka cusub ee dhallinyrada iyo [...]
↧