Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya oo gaaray Cadaado

$
0
0
Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado. Mudane Juxa oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka, ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxda maamulka Galmudug iyo tan Degmada Cadaado. Ujeeddada Safarka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo arrimo la xiriiro doorashooyinka madaxtinimo ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo dhawaan la filayo iney halkaasi ka dhacdo.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles