Taliyihii hore ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa saraakiil tababbar uga socday dugsiga Jeneraal Kaahiye ugu soo xeray, iyadoo dhinaca kalena tababbar u furay ciidamo kale. Munaasibadan saraakiisha tababbarka loogu soo xeray waxaa goob joog ka ahaa Taliye xigeenada koowaad iyo labaad ee booliska Soomaaliyeed iyo madaxda hogaanada ciidanka booliska. Ugu horayn waxaa gaada ka cayaar goobta ku soo bandhigay ciidamada tababbarka u xirmay. Taliyaha dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye Gaashaanle sare Cabdikariin Macalin Xuseen ayaa ka warbixiyay dugsiga iyo saraakiisha tababbarka dhamaystay. “Saraakiishan tababbarka dhamaystay waxay ahaayeen dad aad u fir fircoon, waxaana ka dalbanayaa kuwa haatan tababbarka galaya in ay ku daydaan ciidanka tababbarka dhamaystay oo ay ilaaliyaan waqtiga iyo nidaamka ciidanka u degsan. Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa u mahadceliyay taliyihii hore ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in howlo badan oo lagu horumarinayo ciidanka uu qabtay,wuxuuna dhinaca kale la dar daarmay ciidanka tababbarka dhamaystay iyo kuwa haatan uu u bilowday , “Xaamuud wax badan ayuu ka qabtay booliska , akadeemiyada Kaahiye sida ay horay ahayd waan la soconaa iyo haatan waxa ay tahay dhamaan ciidanka booliska ayaa Soomaaliyeed meel walba ha joogaan halkan ayaa lagu tababaraa” ayuu yiri Jeneraal [...]
↧