Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Nuur Faarax Xirsi

$
0
0
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Wasiiru dowlaha Cabdulqaadirr Axmed-Kheir Cabdi, Wasiir kuxigeenka. Mukhtar Mahad Daa’uud, Xoghayaha joogtada, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Nuur Faarax Xirsi, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo maanta oo ah Axad, kuna beegan April 02, 2017 ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaanu u geeriyooday xanuun la soo gudboonaaday dhammaadkii bishii hore ee March. Marxuum Amb. Nur Faraah Xirsi oo si qotodheer u bartay xiriirka caalamiga, ayaa ahaa diblomaasi ku xeel dheer hogaaminta iyo wadaxaajoodka, waxa uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ku biiray bishii February 2013, isaga oo aqoontiisa ugu deeqay da’yar diblomaasiyiin ah oo Wasaaradda ka howlgasha. Bishii March, 2014 waxaa loo magacaabay inuu safiir ka noqdo dalka Malaysia, waxaana uu si rasmi ah uga howlgalay Caasimadda Kuala Lumpur kadib markii warqadaha laga gudoomay bilowgii April, 2014, waxa uu dib u habeyn iyo horumarin ku sameeyay howlaha shaqo ee Safaaradda Soomaaliya. Bishii January 27, 2015 waxaa loo magacaabay Wasiirka Dastuurka, [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles