Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Boostada oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay

$
0
0
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsinta iyo Teknoloojiyadda Eng. Cabdi  Canshuur Xasan ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Maxamed Jaamac Mursal, iyadoo munaasabaddii xil wareejinta uu ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo howlwadeenada Wasaaradda. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in muddadii uu Wasaaradda joogay ay wax badan u qabsoomeen, isla markaana ay jiraan waxyaabo kale oo u baahan in la sii dar dargeliyo, isagoo u mahadceliyay intii la soo shaqeysay. Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsinta iyo Teknoloojiyadda Eng. Cabdi  Canshuur Xasan ayaa xusay in uu howsha halkeedii ka sii wadi doono, isla markaana uu ka codsaday howlwadeenada Wasaaradda inay si hufan ula shaqeeyaan.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles