Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Shirkii ugu horeeyey ee Golaha Wasiirada oo diirada lagu saaray Gurmadka Abaaraha iyo ka hortaga Musuqmaasuqa

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyey kadib ansixintii Baarlamaanka ee shalay 29 Maarso 2017. Shirkan waxaa guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana ugu horeyn looga hadlay Ajande ka kooban soo dhoweyn, Nidaamka iyo xeerararka shirarka Golaha, Diyaarinta xil la wareegida Wasiirada cusub, Qorshaha Xukuumadu ku shaqeyn doonto, Arrimaha Amniga iyo Abaaraha. Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha oo furay shirka ayaa ku wargeliyay Wasiirada in shacabku uga fadhiyo Xukuumada howl adag oo hufan, loona baahan yahay in laga dhabeeyo rajada shacabka. Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray golaha Wasiirada cusub inay buuxiyaan Foom ay ku cadeynayaan in xubin kasta oo ka mid ah golaha uu waajibkiisa u guto si daacad ah, Aamin ah, ayna soo bandhigaan macluumaad rasmi ah oo ku aaadan hantida gaarka ah, iyada oo la waafajinayo sharciga, si loo helo isla xisaabtan dhab ah. Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku dheeraaday dhismaha Wasaaradda Gargaarka, wuxuuna xusay in xukuumadu muhiimad gaar ah siisay taakuleynta shacabka, isaga oo faray hay’addaha caalamiga, kuwa gudaha, hay’addaha dowliga, iyo dhamaamba shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Wasaaradan, si loo gaarsiiyo shacabka abaaruhu aafeeyeen gurmadka ay u baahan yihiin. Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa mar uu [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles