Deeqdaan raashinka oo isugu jirtay Bur ,Bariis Sokor, Timir, Baco iyo lacago ayaa shalay loo qeybiyay qoysaska barkacayaal ah oo gaaraya labo boqol oo qoys kuwaas oo ku nool deegaanka garas baleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho. Gudoomiyaha deegaanka Garas baaley Cabdiraxmaan Cali Garyare oo ka hadlay goobta qaybinta raashinka ayaa ka mahadceliyeey deeqdaan ay soo gaarsiiyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. S/Guuto Axmed Dhayib Axmed Dhegacaleen oo ka mid ah Sariisha aybta guud ee boliiska Soomaaliya in ka Ciidan ahaan ay isku dayaan in inta karaankooda ah ay u keeneen walaalahooda dhibaateysan. Taliye ku-xigeenka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Muqtaar Xuseen Afrax oo Barakacayaasha gudoonsiiyey Deeqdan ayaa sheegay in tani aysan noqon doonin tii ugu danbeysey ee Ciidanka Boliiska uu soo gaarsiiyo dadka dhibaateysan. Deeqdan ayaa waxaa iska soo uruuriyey xubnaha Ciidan Boliiska Soomaaliyeed si ay ula qaybsadaan Dadka Soomaaliyeed ee dhibka ka soo gaartay Abaarta.
↧