Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta ayaa lagu soo gabgabeeyey wadanka Urdun.

$
0
0
Shir Madaxeedkii 28 ee ururka jaamacadda carabta ee ka Socday Wadanka Urdun ayaa shalay galab waxaa lagu soo gabagebeeyey Magaalo Madaxda Waddanka Urdun. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo oo ka mid ahaa Madaxdii ka hadashay Shir madaxeedka Jaamacadda carabta ee shalay lagu soo gabagabeeyey Wadanka Urdun ayaa ka warbixiyey  Fursadaha iyo Caqabaddaha horyaalo Dowladdiisa. Madaxweyne ayaa sidoo kale Ka codsaday Madaxda Dowladdaha Carabta in ay ka dhabeeyaan isla markaan ay oofiyaan balamihii ay horay ugu qaadeen in garab istaagi doonaan Dowladda Soomaaliya si ay uga soo kabsato dhibaatada iyo dib dhaca ay mudada Dheer ku jirtay. Inta badan Dowladdaha Jaamacadda Carabta ayaa horay u balan qaaday in ay Dowladda Soomaaliya ka taageeri doonaan Dhanka soo kabsashada Dhaqaalaha iyo dib usoo celinta amniga guud ee dalka Soomaaliya.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles