Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maxaabiista Xabsiga Dhexe ku xiran oo loo sameeyey Akoono Mushaarkooda loogu shubo (SAWIRRO)

$
0
0
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal Horumarineed oo si xowli ah ku socda, iyadoo Maxaabiista ku xiran ay heleen Waxbarasho Noocyadeeda kala duwan iyo in Farsamada Gacanta oo la barro, waxaana Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed dalka dibadiisa uu ka keenay Warshado loogu tala galay in Farsamada Maxaabiista lagu baro, ayna ku shaqeystaan. Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo u faa’iideynaya Maxaabiista, meeshana  ka   saarayo  in Maxbuuska Xoriyadda laga qaado ayaa waxa uu sameeyey in Maxaabiista Shaqeyneysa ee la baray Farsamada gacanta la siiyo Mushaar joogta ah, iyagoo Maanta loo sameeyey Acount  Bank oo Mushaaraadka loogu shubayo. Madaxa Hoggaanka Lacagta ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed G/sare Xuseen Daahir  Sheer, ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay in Maxbuuska Warshadda Tababarka ka shaqeynaya la siiyo Mushaar joogto ah ay tahay in dhiiri gelin loo sameeyo, islamarkaana laga wacyi geliyo Waxyaabihii Xumaa ee lagu soo xiray, markii Xabsiga uu ka baxana, uu noqdo Shaqsi Xirfad leh oo heysta Lacag uu ku shaqeysan karo. Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay  in Dhammaan Xabsiyada Dalka ku yaala qorshaha uu yahay sidii Adeegyo Horumarineed looga hirgelin lahaa, waxaana Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu sheegay in [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles