Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Banaan bax ka dhan ah jinsi naceybka oo ka dhacay Koonfur Afrika

$
0
0
Banaan bax looga soo horjeeday Dhibaatada iyo jinsi naceybka lagu haayo Dadka ajaanibta ah ee ku nool South Africa ayaa lagu qabtay Magaalada Johannesburg Banaan baxaan oo ahaa mid si weyn ay usoo agaasimeen daladda ay ku midansan yihiin qurba joogta Afrikaanka ah ee ku nool magaalada Johannesburg ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Johannesburg, waxaana looga soo horjeeday hadal dhawaan uu sheegay duqa magaalada Johannesburg Mashaba kaa oo ku saabsanaa in qaxootiga ay kaalin weyn ka qaateen amaan xumada ka jirta magaaladaasi ayna ka sifeyn doonaan. Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Aamir Sheekh oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay halka uu banaan baxa ka dhacayay ayaa sheegay in hadalka kasoo baxay duqa magaalada Jahannesburg uu saameyn ku yeeshay dadka ajaanibta ah isla markaana ay la kulmeen weeraro jinsi naceyb ah. “Dhibkii ka dhacay Rosentavell iyo magaalada Pretoria waxaa uu daba joogay hadalka duqa magaalada saameyn badan ayuuna ku yeeshay dadka qaxootiga ah, jaaliyadaha Africaanka ah hadaan nahay dacwad ayaan ka gudbinay” ayuu yiri Aamir Sheekh Banaan baxayaasha oo watay boorar waa weyn ayaa waxaa ay socod kusoo mareen waddooyinka magaalada Johannesburg, waxaana  ay dalbayaneen in duqa magaalada Johannesburg uu raali gelin ka bixiyo hadalka uu ku weeraray dadka ajaanibta ah . Guddoomiyaha [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles