Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa wuxuu ka hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin safarkii ugu danbeeyay oo uu tagay Dalka Kenya, Xaalada dalka, Abaaraha, dagaalka lagula jira Al-Shabaab, Xukuumadda Cusub iyo arrimo kale. Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyata. Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in asaga iyo dhigiisa Kenya ay isla qaateena in labo Isbuuc guduhooda duulimaadka ka baxa Muqdisho uu toos u gaaro magaalada Nairobi, xili markii hore dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan ku qabeen garoonka diyaaraha magaalada Wajeer oo la sii marsiin jiray. “Sidoo kale waxaan isku afgaranay in Visa-ha loo fududeeyo Diplomaasiyiinta iyo shaqaalaha oo dowladda oo ay ka qaataan Airport-ka dhexdiisa, iyo sidiia aan u kobcian lahayn dhaqaalaha labada dal.” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Mudane Farmaajo ayaa tilmaamay in sidoo kale leesku raacaya in la sii xoojiyo xiriirka u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, iyo sidoo kale in dowladda Kenya ay tababar siiso shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya. Shirkii IGAD. Wuxuu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda in shirka looga hadlay arrimaha Qaxootiga, si wayna leesugu raacay inaan qasab lagu celin dadka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah dalka Kenya, wixii ku saabsan dib u [...]
↧