Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ururka Haweenka Qaranka oo deeq gaarsiiyay barakacayaal horleh

$
0
0
Deeqdaasi    gargaar   oo ka kooban  raashin,  dhar, maacuun, joodariyaal iyo jirigaano  ay dadku biyaha  ku shubtaan   ayaa  waxaa    maanta   la Gaarsiiyay   barkacayaasha  ku nool  inta u dhaxaysa   Deegaanka Garasbaaleey iyo  Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana deeqdasi oo loo soo wakiishay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed   uu gaarsiiyay qoysas hor leh. Dadka Ka faa’iidaystay   deeqdaasi ayaa    isugu jiray Haween  carruur  iyo  Dad Da’ah  kuwaasi oo ay ka muuqato  raadad  iyo saamaynta ka dhashay abaarta. Guddoomiyaha Ururka  Haweenka  Qaranka  Soomaaliyeed   Batuula Sheekh  Axmad  Gaballe ayaa  deeqdaasi iyo sida ay Dadka ugaarsiiyeen,  waxaana ay tilmaamay in dadkaan  ay haystaan daruufo kala duwan oo dhinaca  nolosha ah  islamarkaana  ay u baahanyihiin gurmad   balaaran oo dhinac waliba leh. Qayba ka Mid ah Gobolada  dalka  ayaa waxaa ku Dhuftay abaaro saameeyay Dadka iyo Duunyada,  taasi oo keentay  inay dadka   ku barakacaan meela fogfog Kadib  markii ay abaartu   baa’bisay xoolahii ay   dhaqan jireen      

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles