Banaanbax ay ka qeybgaleen dadweyne farabadan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, laguna dalbanayay in baarlamanka uu codka kalsoonida siiyo wasiirrada uu dhawaan magacaabay R/wasaare Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Dibadbaxan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Giuddoomiyaha Gobalka Banaadir ah ahna Duqa Magaalada Muqdisho, gudoomiye ku xigeennada gobalka, qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka Gobalka, Saraakiisha laamaha amniga, gudoomiyaasha Ururka Haweenka Gobalka, kan Qaranka iyo dadweyne farabadan. Dadweynaha ka qeyb galay banaanbaxaasi oo watay calanka Jamhuuriyadda, sawirrada madaxweynaha iyo kan R/wasaaraha ayaa ku dhawaaqay kalmado ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan dowladda, iyagoo baarlamanka ka codsaday in ay si aqlabiyad leh ku ansixiyaan wasiirrada cusub si ay dhaqsi u howlgalaan. Guddoomiye Ku xigeenka Siyaasadda iyo amiga Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye “Yabooh”, Gudoomiyayaasha Ururrada Haweenka Qaranka iyo kan Gobalka Banaadir Jawwhir Baarqab iyo Batuula Sheekh Axmed Gabballe ayaa goobta uu dibadbaxa ka socday ka sheegay in mas’uul iyo shacabba laga wada qeyb qaato sidii dalka looga saari lahaay marxaladaha adag ee uu ku jiro. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Fagaaraha taallada Daljirka Dahsoon kula hadlay dibadbaxayaasha ayaa ka [...]
↧