Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Danjire Xuseen Xaji Axmed oo la kulmay wasiirka arimaha dibada Koofur Sudan.

$
0
0
Kulan dhaxmaray safiirka Jamhuuriyada Fadaralka ah ee Soomaaliya Koofur Sudan mudane Xuseen Xaji Axmed iyo Wasiirka arimaha Dibada ee wadanka Koofur Sudan Deng Alor Kuol oo ka dhacay xafiiska wasiirka ayaa looga hadalay sare u qaadida xariirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca diblomasiyada ee shirarka caalamiga ah. Danjiraha dowlada Soomaaliya ee wadanka Koofur Sudan mudane Xuseen Xaji Axmed oo ay wehliyaan  Diblomasiyiinta Safaarada ayaa uga mahadceliyay dowlada iyo shacabka Koofur Sudan soo dhaweynta ay u fidiyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dhaman gobolada wadankan. Ugu dambeyn Wasiirka arimaha Dibada ee wadanka Koofur Sudan Deng Alor Kuol ayaa soo dhaweeyay doorashadi ka dhacday dalkeen kuna tilmaamay  guul u soo hoyotay qaarada Afrika,waxa uuna amaanay jaaliyada Soomaaliyeed ku ku sugan wadanka asiga oo ku tilmaamay in ay yihiin jaaliyada ugu wanagaasan jaaliyadaha kale ee kunool dalkan Koofur Sudan. Ahmed Lafoole Juba South Sudan

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles