Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Sawiro:Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo oo gaaray dalka Kenya.

$
0
0
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo si weyn  loogu soo dhoweeyey. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdigiisa waxaa soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo uu ka mid yahay Aadan Barre Du’aale  Aamina Maxamed wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya iyo madax kale, waxaana wehlisa madaxweynaha Marwadiisa. Madaxweynaha ayaa ka qeyb-geli doona shirka IGAD oo ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin abaaraha Soomaaliya ka jira iyo ajendeyaal kale. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah marti qaad uga heysta dhiggiisa dalka Kenya, waxa ayna wada yeelan doonaan wada hadallo ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles