Tababbarkan oo soconaya muddo 3 maalmood isla markaana lagu baranaya Horumarinta Nabadda iyo isgaxgalka bulshada ayaa waxaa Degmada Hiliwaa loogu qabtay Boqol dhallinyaro oo ka kala yimid Lixda Waax ay ka kooban tahay Degmada Hiliwaa Waxaana Tababbarkaasi furay Guddoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshada ee Maamulka Gobalka Banaadir, Furitaanka tababbarkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Maamulka Degmada Hiliwaa, Ururka dhallinyarada Gobalka Banaadir iyo Masuuliyin kale, Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobalka Banaadir Cabdikaafi Maxamud Makaraan oo goobta ka hadlay waxa uu sheegay in dhallinyarada ay aas aas u yihiin Nabadda iyo Dowladnimada. “Sidaan wada og nahay dhallinyarada waa xoogga ugu weyn ee Dalka, waxaana uu aas aas u yahay horumarka iyo xasiloonida waxaana la idinka baahan yahay inaad kaalin ka qaadataan hormarka deegaankiina”ayuu yiri Makaraan. Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa ee Gobalka Banaadir Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa sheegay in bulshada reer Hiliwaa ay diyaar u yihiin Horumarka degmadooda. Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa ayaa yiri “Runti waxaan aad ugu faraxsa nahay inaan arko dhallinyarada reer Hiliwaa oo fanaanada cad wato, una diyaar ah horumarka degmadooda, degmada muddo kooban ayaan jooga hasa ahaate waxaan u imid bulsha u diyaar ah iney la shaqeeyan maamulkooda kana qeyb qaatan wax kaste oo lagu horumarinayo Degmada Hiliwaa” Guddoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshada ee [...]
↧