Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Soomaalida degan Dalka Suudaan oo sameystay Guddi gacan ka gaysta gurmadka Abaaraha Soomaaliya “SAWIRRO”

$
0
0
Kulan ay isugu yimadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudan, dbplomasiyiin ka socotay safaaradda, salaadiin, aqoonyahano iyo waliba ganacsato ayaa waxaa  lagu doortay guddi heer Qaran oo ka qayb qaadan doono u gurmashada dadka ay abaarta saameysay kuna dhaqan qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya. Xubnaha gudigan  oo ka kooban 15 isla markaana ka shaqeyn doona sidii ay lacagu ugu soo aruurrin lahaayeen dadka ay abaartu soo barakacisay ayaa waxaa guddoomiya loogu doortay Dr Cabdifataax Maxamed Barqadle. Guddoomiyaha gudiga abaaraha Suudaan Dr Cabdi Fataax Maxamed Barqadle oo warbaahinta Qaranka la hadlayay ayaa ka codsaday dhamaan Jaaliyadda iyo Ardayda ku nool Dalka Sudaan inay u istaagan sidii ay ugu gurman lahaayeen walaalahood, ku dhibaateysan qeybo ka mid ah gobollada dalka ee ay ku habsatay abaarta. Arintan ayaa ku soo aadeysa dhawaan markii uu Ra’iisula wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku booriyay Jaaliyadda iyo Ardayda inay gacan ka geystaan samata bixinta dadka ay abaarata waxyeeleesay.       Yuusuf  Maxamed Macalin (Yuusuf Kashmiir)

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles