Guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha ayaa war-saxaadadeed ay soo saareen waxa ay uga hadleen Xaaladda Abaaraha ka jira Dalka. Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka. Xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka ayaa ah mid baahsan, safmar ah oo buuro, dul iyo bannaanba 637,000km laba jibaaran, taasoo ka dhalatay roobab kii la filaayay 4 tii xilli ee la soo dhaafay oo la waayay ama si fiican aanan u da’in. Abaarta hadda ka jirta dalka waxay saamaynta ugu badan u geysatay xoolaha, beeraha iyo dadka waxayna sababtay biyo la’aan baahsan. Roobka Gu’a (April-June) hadii uu da’o, waxaa sedex bilood oo kale lasugaya gurashadiisa, hadii uusan da’in ama yaraado qatar intaan ka badan ayaa laga baqaya sidii 2011 Waxaa in kabadan 3,63,000 oo caruur ah nafaqa daro haystaa oo ay kamid yihiin 71,000 oo aad udaran Waxaa macluul ay ku bilaabatay in kabadan 2.9 malyuun oo qofood Waxaa 3.3 malyuun oo qofood ay cunta yaraan daran haysataa Waxaa ay galaafatay 70% xoolo nooc walba leh Waxaa deegaanada qaar Koonfurta Soomaaliya ka dilaacay daacuun calooleed ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 1630 qofood Waxaa guray wabigii Shabeelle, haddana waxaa isna guri raba Jubba Waxaa hoos u dhacay wax soo saarkii beeraha Waxaa degaanadoodii ka barakacay 1.3 [...]
↧