Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Siminaar Ku saabsan Xuquuqul Insaanka oo lagu qabtay deegaan ka tirsan Galmudug.

$
0
0
Iyadoo ay  jiraan tacdiyo iyo xadgudbyo ka dhan ah xuquuqul insaanka taas  loo geysto mararka qaar dad aan waxba galabsan ayaa waxaa  Ceel Guula lagu qabtay maanta siminaar lagu  baranayay sida loo ilaalin karo xuquuqul insaanka iyo waxa ay ka qabto diinteena islaamku ku xadgudubka sharafta iyo kaaramada bini aadamka. Siminaarka oo ay iska kaashanayeen qabsoomidiisa Hay’adda Daryeel oo fadhigeedu yahay Dalka swedan iyo ururka maxaligaa ee SOSDA oo ah urur ka shaqeeya Deegaanada dowlad gobaleedka soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Masuliyiin ka tirsan kuwa maamulka Ceel Guula iyo ku dhawaad 50 qof oo matalayay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Dagmadaasi. Furitaanka siminaarka  ayaa ugu horeyn  ka hadlay Injineer Cumar Maxamuud Rooble (Cumar Suuri) oo ku hadlayay magaca Hay’adda Daryeel waxaana uu sharaxaad guud ka bixiyay Ajandaha lagu baranayay mudada uu socdo isagoona xusay in laba arimood looga doodi doono kuwaasi oo kala ah ilaalinta Xuquuqda bini aadamka iyo sida bulshada looga wacyi galin karo falalka xun xun ee Burcad badeednimada iyo wixii la mid ah. Sidoo kale Cabdi Maxamed Guure oo ka mid ahaa masuliyiinta Dagmada Ceel Guula ee ka qeyb galay siminaarka ayaa mahad celin kadib sheegay in ay muhiim u tahay bulshada [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles