Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Xoghaya arrimaha dibadda Dowladda Ingiriiska Boris Jonhson, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira Amaanka,abaaraha,iyo Horumarinta Maamulka Hirshabeelle. Kulankani oo ka dhacay safaaradda ingiriiska ay ku leedahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labadda gole ee dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday arrimaha la xiriira amniga deegaanada Hirshabeerlle iyo abaaraha baahsan ee jira, iyadoo xoghayuhu uu balanqaaday ka dowlad ahaan in ay garab istaagi doonaan maamulkani hodanka ku ah Kheyraadka ilaah uu ku maneystay. Xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Ingriiska Boris Jonhson oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay la kulanka madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Ingiriiska ay sii wadi doonto kaalmada maamulada ka jira dalka gaar ahaan soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha oo Hirshabeelle ay ka caawin doonto sidii looga horumarin lahaa dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib u dhiska guud, iyo amniga. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullahi Cosoble oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa mahadcelin kaddib, waxa uu xusay in maamulkiisa uu aad u soo dhoweynayo kulanka ay la yeesheen Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka [...]
↧