Munasabada lagu daahfurayey talaalka ka hortag cudurk dacuun caloolaha oo lagu qabtay isbitaalk Hooyadda iyo dhalaanka Banaadir,ayaa waxaa ka qeyb galay ma,suliinyin wasaarada caafimaadka ,wakiilka W.H.O Soomaaliya iyo Wakiilka Unicef ee Soomaaliya ,waxaana lagu dahfuray talaalka ka hortaga dacuun caloolaha. Agaasimaha guu ee wasaarada caafimaadka Dr abdullaahi Xaashi Abdi ayaa sheegay in talaalka ka hortaga cudurka daacuun Caloolaha uu maanta ka bilaabanayo qeybo badan oo ka mid ah goboladda dalka. Dhanka kale agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay in wasaarada ay dhamaystirtay sharciga ajaaniibta iyo isbitaaladda ,waxaana uu xusay sharciga adkeeynayo adeega saxdda ee caafimaadka cidda bixinaysa. Talaalka ka hortaga cudurka dacuun caloolaha ay maanta daahfurtay wasaaradda caafimaadka ayaa ku soo beegmaya xili ay wadanka ay ka jira cudurada shubanbiyoodka iyo dacuun caloolaha, oo ka dhashay abaaraha ka jira dalka.
↧