Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Erdogan oo Dutch ku dhaleeceeyay is hor istaagii wasiirka arimaha dibadda lagu sameeyay

$
0
0
Madaxweynaha dalka Turkiga  Recep Tayyip Erdogan  ayaa dowladda  Dutch-ka ku dhaleeceeyay go’aanka ay ugu diiday in ay dalkeeda ka degto duyuurad sitay wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga  Mevlut Cavusoglu. Hadalkan ayuu ka sheegay madaxweyne Erdogan xaflad caleemo saar oo maanta oo Sabti ah ka dhacday magaalada Istanbul, isagoona xaqiijiyay in duyuuradda uu la socday Mr. Cavusoglu laga hor istaagay in ay caga dhigato dalka Netherland. “Sidee duulimaadyada diblomaasiyiintiina ku imaan karaan halkan kadib markii aad wasiirkeeda arimaha dibadda u diideen ogolaansha?”  ayuu Erdogan su’aalay madaxda Dutch. “Ma yaqaanaan siyaasada ama diblomaasiyadda caalamiga ah. Kuwani waa dhaqankii Naziyiinta, waana Fajiistiyaal,” ayuu hadalkiisa ku daray. Wasaaradda arimaha dibadda ee Dutch ayaa horey u sheegtay in ay is hor istaag ku sameysay duyuuradda uu la socday wasiirka arimaha dibadda ee dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu in ay ka degto dalka Nertherlands taas oo ay sabab ugu dhigeen amniga iyo bad qabka dadweynaha. Mevlut Cavusoglu, oo ah wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga ayaa sida uu qorshaha uu ahaa waxaa lagu waday in uu khubad u jeediyo jaaliyadda Turkiga ee ku dhaqan magaalada Rotterdam ee dalka Nertherland. Wareysi uu siiyay TV-ga CNN Turk ayuu wasiirka arimaha dibadda ku sheegay in haddii Netherlands ay is hor istaag [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles