Munaasabad lagu soo dhaweynayey Ra’iisul wasaaraha Xukumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre isla markaana lacag taakuleyn iyo kaalmo loogu aruurinayey dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ba’an ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka MinnesotMunaasabadani oo ay ka soo qeyb galeen bulshada Soomaaliyeed Qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa deeq lacageed loogu aruuriyey dadka dhibaateysan. iyadoo Jaaliyadda ay samaysay gurmad aanan loo kala harin, waxaana makarafoonka la wareegay Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ah Imaamka Masjidka Daarul Hijra ee magaalada Minneapolis kaasi oo dadka ku baraarujiyey in ay dadka ka qeyb qaataan taakuleynta iyo gargaarka dadka walaalaha ah ee ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya. Dhanka kale Munaasabadani ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Ra’iisul wasaraha Soomaaliy,a iyadoo dad kala duwan ay ka hadleen munaasabadaasi oo ay goob joog ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Cabdi Nuur iyo Xildhibaan Sacdiyo Xaaji. kuwaasi oo ka hadlay munaasabadaasi. Wasiirka ayaa ku dheeraaday hormarka dowladii hore ee Soomaaliya ay samaysay, isagoo dowladani u rajeeyey in ay dalka marsiiso wadada guusha, wuxuuna Wasiirka baaq u diray bulshada isagoo faah faahiyey abaaraha baahsan ee dalka ka jira taasi oo ku sheegay in uu indhihiisa ku soo arkay. Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Salaad oo booqasho ku joogta gobolka Minnesota ayaa ka mid ahayd masuuliyiinta madasha ka hadashay, [...]
↧