Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Hormuud Foundation oo 165 goobood oo hoos tagta Caabudwaaq gaarsiisay gargaar biyo ah+Sawirro

$
0
0
  Xili ay ka siidarayso saameynta  abaarta waqtigan ka jirta inta badan dalkeena, taasoo dadka iyo duunyada weli ku harsan deegaanada miyiga ku reebtay Cuduro iyo macaluul ayaa hadana waxaa socda dadaallo la doonayo in dadka abaartu la itaalka daran la gaarsiiyo gurmad. Dadka ku nool tuulooyinka hoostaga degmada Caabudwaaq ayaa la gaarsiiyay gurmadyo aan badnayn oo biyo ku kooban kuwaasi oo ay bixiyeen Ganacsato, qurbajoog, dad muxsiniin iyo wakiilada gudiga Gurmadka  abaaraha dalkeena Maaamulka Shirkada isgaarsiinta Hormuud qaybteeda qaabilsan Caawimaadka dadka dhiban ee Hurmuud Foundation ayaa biyo dhaamin ka sameysay 165 goobood, waxaa ka faa’iideystay  dadka iyo xoolaha ku dhaqan deegaanno ka tirsan kuwa abaarta la liita ee dhaca waqooyiga Gobolka Galgaduud Qaar kamid ah dadka ka faa’iidaystay biyaha ay bixisay shirkada Hormuud oo aan la kulmay ayaa sheegay in aad ugu farxeen biyo dhaaminta loo sameeyay. Faarax Axmed Cali oo ah maamulaha laanta Hormuud Caabudwaaq oo lahadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in ay sameeyeen kormeer iyo xog baaris la xariista abaarta taasi oo keentay in la qaado talaabooyinka loogu gurmanayo dadka. Maxamed Haaraa oo ah guddoomiyaha guddiga Gurmadka Abaaraha ee Degmada Caabudwaaq ayaa kaga mahadceliyay maamulka Shirkadda Hormuud taakuleynta ay siisay dadka iyo xoolaha la dhiban abaarta. [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles