Nabadgelyadu waa harka ugu weyn ee ay harsato bulshada, isla markaana ay ku raadsato adeegeeda iyo nolosha ay u baahan yihiin ,haddii aysan heysanna ay tahay mid hoos u dhaceysa noloshooda iyo hiigsiga ay ku haminayaan bulshadu,sidaa darted dowladaan cusub waxaa looga fadhiyaa sidii ay horumar la taaban karo ay uga gaari lahaayeen nabadda . Xukuumaddaan cusub oo ballan-qaaaday in ay dib u habeyn ku sameyn doonto hey’adaha nabadgelyada iyo ka shaqeynta nabadda ayaa haddii ay ku guuleysato noqoneysa dhidibka ugu horeeya oo ay taagto bulshaduna ay horay ugu sii sicoto horumarkaasi ku dhoisan nolosha bulshada iyo dhaqdhaqaaqeeda dhanka ganacsiga iyo hammigga ay u qabaan hurdo caafimaad leh iyo horumar dhaqan dhaqqale intaba. Dhanka kale dowladda iyo Xukuumaddu kuma guuleysan karaan sugidda nabadgelyada haddii aysan shacbiga Soomaaliyeed dhankooda aysan kala shaqeyn nababgelyada oo aysan soo sheegin cidda iyaga wax u dhimeysa nababgelyada ay noloshoodu ku xiran tahay waayo horaa loo yiri far kaliya fool ma dhaqdo ama gacmo wadajir ayey wax ku gooyaan waana taasi midda ay dowladdu iyo xukuumaddu mar kasta u baahan yihin in shacnigu ay la garab istaagaan si ay iyaguna u ballanqaadaaan sugidda amniga bulshada Soomaaliyed. Dhanka kale haddii aynu ka eegno caddaaladda waa rukunka ugu [...]
↧