Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay abaarta ka jirta deegannada maamulkaasi oo ay sheegeen in haddii gurmad loo heli waayo bulshada halkaasi ku nool ay keeni karto inay ka dhalato macluul. Madaxweyne ku xigeenka Dawlad goboleedka Puntland. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey oo howlo shaqo joogo Muqdisho ayaa halkan kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo ugu horayn uga warbixiyey abaarta baaxadaleh ee ka jirta dhammaan deegaanada Puntland, waxaana uu si qoto dheer uga xog waramay saamaynta ay ku yeelatay dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan degaanada Puntland. Mudane Cabdixakiin Camey ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inay jiraan xoolo dhaqato Soomaaliyeed oo ku soo hayaamay qaarkamida Gobolada Puntland kuwaas oo ka kala yimi Waqooyiga, Galbeedka, iyo Koonfurta Soomaaliya. Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha DFS guushii uu ka gaarey doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya 8 February 2017, isla markaana waxa uu guulweyn ku tilmaamay go’aan qaadashadii geesi-nimada lahayd ee uu ku soo xushay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isla mar’ahaantaana ay Baarlamaanka Soomaaliya si sidaasi lamida ay ku ansixiyeen. Ugu danbayn, Mudane Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland Alle uga baryey inuu ka dulqaado abaarta saamaysay dad iyo duunyoba [...]
↧