Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga Koobaad ee golaha Shacbiga Soomaaliyeed, isla markaana golaha horgeeyey Ra’iisul wasaarahiisa. Kalfhiga Koobaad ee Barlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, waxaa soo xaadirtay 231, mudane xubaha golaha shacabka, waxaana yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Khuddiisa furitaanka ee Destuuriga ka jeediyey, isla markaana hor keenay Ra’iisul wasaaraha Kalsoonida ay siiyeen golaha Barlamaanka Soomaaliya. Guddoomiyaha golaha shacabka Federaalka Soomaaliyeed, mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa haddal jeedinta soo dhoweynta madaxweynaha golaha ku sheegay in Barlamaanka 10-aad ee Soomaaliya oo u badan yahay dhallinyaro aqoonyahanno oo u diyaar ah in ay si hagar la’aan ah uu ula shaqeeyaan, madaxweynaha Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumaddiisa, iyagoo wakiillo ka ah dadweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Khubadda Destuuriga ee Madaxweynaha ka hor waxaa lagu daah-furay Heesta Calamka Jamhuuriyadda. Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey Barlamaanka labada aqal ee Soomaaliyeed, sida ay ugu turjumeen rabitaanka shacabka, madaxweynaha, ayaa sheegay in Barnaamijkiisa Nabad iyo Nolol uu sal u yahay, xaqiijinta nabad-galyada dalka, la dagaallanka musuq-maasuqa iyo horumarinta adeeg walba oo dowladda looga baahan yahay. Madaxweyne Farmaajo, ayaa ballan-qaadey in dowladdiisa ay abuuri doonto mashaariic waa weyn oo wax looga baddelayo nolosha xldhibaannada [...]
↧