Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabkii ka kacay saaka suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo geystay qasaare hantiyadeed, iyadoo dhimashada inta la ogyahay la sheegay inay garayaan labo ruux iyo hal kale oo dhawac soo gaaray. Gaadiidka dabdamiska ee dowladda Hoose ee Xamar iyo kuwa ay leeyihin shirkado si gaar ah loo leeyahay ayaa ku guuleystay inay damiyaan dabkii saaka ka kacay suuqa bakaaraha. Dabka ayaa waxa uu geystay qasaaro badan oo hantiyadeed, waxaana uu saameeyey qeybo badan oo ka mid ah Suuqa. Dabka ayaa markii hore ka kacay Suuqa Maacuunta isaga oo markii danbe ku siifiday qeybo badan oo suuqa ka mid ah, sida qeybta bacadlaha, dahablaha iyo Qeybta ay Isticmaalaan Dadka Farsamada Gacanta wax ku soo saara, Dabka ayaana gebi ahaanba baabiyey Suuqa Maacuunta oo Baaxad Weyn ku fadhiya. Haweeney kamida ah Ganacstadda ayaa sheegtay in xalay xilli danbe suuqa timid ayna la-kulantay Suuqa oo gubanayo balse aysan jirin cid markaas wax qaban kartay. “Waxaan imid suuqa xilli danbe oo xalay ah runtii waxaan arkay wax aad looga xumaado hanta umadda Soomaaliyeed oo gubaneysa aniga xitaa waxaa iga soo gaaray saameyn badan” ayay tiri haweeneydan. Muuse Macalin waxaa uu isna kamid yahay Ganacstada oo dabku qasaaraha u [...]
↧