Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Miisaaniyadda Qaranka lagu dari doono ciidanka Asluubta (Sawiro)

$
0
0
Muqdisho (26-ka Feberaayo)——–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta xabsiga  dhexe iyo Taliska ciidanka Asluubta ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa wehliyey wasiirka Caddaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) iyo taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo, ayaa ugu horreyn  ku ammaanay ciidanka iyo masuuliyiintiisa sida ay u xanaanneeyaan carruurta marka hore aheyd Darbi-jiifka ee waddooyinka Muqdisho iyo kuwa laga keenay gobollada qaar, waxa uu intaa raaciyey in ilaalinta xuquuqda carruurta iyo daryeelkooduba ay masuuliyad dheeri ah ka saaran tahay dowladda, isla markaana uu ku dhiiragelinayo howsha ay ciidanka Asluubta ka qabteen arrintaasi. “waxaa wax lagu faani karo ah maanta heerka aan ka taaganahay ilaalinta xuquuqda maxaabiista, dalalka Africa oo aan aqaanno intooda badan aad ayaan uga horreynaa, Soomaaliya oo  muddo bur-bursaneyd in maanta xabsiyadeenna ay leeyihiin  adeeg walba, laguna daryeello maxaabiista, xabsiyada Africa aad ayaa loogu ciqaabaa eedeysaneyaasha iyo dambiileyaasha, laakiin waxaa muhiim ah inaan sii joogteyno, horumarinno isla markaana wax barno ciidankeenna dadaalkaas badan muujiyey, dhowaanna waxaa bilaaban doono mashaariic lagu horumarinayo qalabka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale madaxweynaha, ayaa ballan-qaadey in hadda wixii ka dambeeya mushaaraadka ciidanka joogto loo bixin [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles