Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Xaaska mid kamid ah horjoogayaasha Ajnabiga ah ee Al-shabaab oo Muqdisho lagu qabtay

$
0
0
Sirdoonka Soomaaliya ayaa soo qabtay xaaska mid kamid ah horjoogayaasha ajnabiga ah ee  Al-shabab, kana mid ah kooxda qaabilsan marin habaabinta dhallinyarada Soomaaliyeed. Leyla Cumar Baaruud waa xaaska Horjeege Ajinabi ah oo dhalashadiisu tahay Ethiopian, ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa ku raad joogay muddo shan bil ah oo ay ku dhuumaaleysaneysay qeyba kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir. Leyla ayaa kooxda al-shabaab u qaabilsaneyd tashkiilinta iyo marin habaabinta Carruurta iyo haweenka, iyadoo malcaamad xifdinta Qur’aanka Kariimka  lagu barto ku laheyd gobalka Jubbada hoose. Sirdoonka Soomaaliya ayaa waabarigii maanta Leyla ku qabtay degmada Cabdicasiis xilli ay dooneysay in gurigeeda hortiisa ay gaari ka raacdo. Laylo Cumar Baaruud, oo ah hooyo labo caruur ah leh, waxeey u muuqaataa in ay ku maashoowday marin habaabinta qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ay howshan ku jirtay muddo todobo sano ah, taas oo dhaxalsiisay in ay ku fogaato aragtida qalafsan ee kooxda sida ka muuqata waraysiga ay bixisayna waxeey ku haminaysaa in ay disho naftayda isla markaana marato dad badan oo muslimiin ah, waxeeyna tusaale u tahay Laylo heerka ay Al-Shabaab garsiiyeen dad badan oo ay uga faa’iidaysteen aqoon yarida, ilaa ay u badaleen kuwo xanbaarsan aragti khilaafsan shareecada Islaamka iyagoo isla saxsan waliba. Haweeneydan [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles