Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Qoysas abaaraha ku xoola beelay oo deeq raashin ah la gaarsiiyay-Sawirro

$
0
0
Ilaa laba boqol oo qoys oo ka mid ah kuwa ay saameeyeen abaaraha oo ku soo barakacay deegaanka Sadax Higlo ee gobalka Mudug ayaa maanta la gaarsiiyay deeq raashin ah oo isugu jirtay Bur,Bariis iyo saliida cuntada lagu karsado taasoo loogu soo iibiyo lacag dhan  $ 800 oo uu ku soo taakuleeyay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Xasan oo ku nool Dalka Denmark. Madasha deeqdaan lagu siinayay qoysaskaan oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa waxaa ugu horey ka hadlay gudoomiyaha deegaanka Sadax Higlo, Macalin Khaliif Warsame, isagoo u mahadceliyay ninkan muxsinka ah ee soo dhiibay lacagtan raashiinka lagu iibiyay. Duqa degmada Galkacyo Xirsi Yuusuf Barre, ayaa isna mahadcelin kadib sheegay in loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato bad baadinta bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen. Ma ahan Markii ugu horeysay oo uu Bashiir Maxamed Xasan ku caawiyo dadka dhibaateysan dhawaan ayeey aheyd markii deeq lacageed oo gaareeysay $200 oo uu soo sadaqeystay la gaarsiiyay Cajaa’ib Maxamed Nuur oo ah gabar yar oo ku dhibaateysan deegaanka Ceel Guula ee gobalka Mudug.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles