Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Kulan amniga caasimadda looga hadlayay oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

$
0
0
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta  Dugsiga tababbarka booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalad Muqdisho , waxaana kulanka looga hadley adkeynta ammaanka caasimadda iyo doorka ay ku leeyihiin ciidamada booliska. Taliye ku-xigeenka koowaad ee ciidanka booliska Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ugu horeyn salaam sharraf ka qaatey ciidamadii booliska ee ku sugnaa xarunta booliska, intaas kaddibna waxaa kulanka aad loogu ammaanay ciidamada booliska oo doorweyn ka qaatey xaqiijinta ammaanka goobtii lagu qabtey doorashadda Madaxweynaha oo ahayd xaruntii ciidamada cirka ee Afasiyooni. Intii kulanka uu socday waxaa goobta gaada ka cayaar ku soo bandhigay qaar ka mid ah ciidamada booliska. Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya Jenaraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ciidamada booliska kula dardaarmey in ay ka shaqeeyaan nabad gelyada isla markaana la yimaadaan hab dhaqan wanaagsan oo ay kula dhaqmayaan shacabka gobalka Banaadir. “Waxaan ugu baaqayaa ciidamada booliska in ay laba jibaaraan adkeynta ammaanka caasimadda, isla markaana ay hab dhaqan wanaagsan kula dhaqmaan shacabka ay ka dhex shaqeeyaan”ayuu yiri Taliye ku xigeenka  koowaad ee ciidanka booliska. Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa doorweyn ka qaata Nabadgelyada caasimadda Muqdisho, iyagoo dhinaca kale la shaqeeya shacabka magaalada si la isku xiro hey’addaha ammaanka iyo dadweynaha.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles